LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Badda cusub" ee Afrika ka dilaaci karta qaaraddana labo u kala qeybin doonta


Gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya

XIGASHADA SAWIRKA,TEACHER. JR ROWLAND, UNIVERSITY OF AUCKLAND

Qoraalka sawirka,Gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya

Cynthia Ebinger oo ah Cilmi baare ka tirsan jaamacadda Tulane ee dalka Maraykanka sidoo kalena ah bare oo maaddada jiyoolajiga dhigaysay ilaa 1980-meeyadii ayaa tiri "waqtiga badda cusub la arkayo oo markii loo maleeynayay in muddo dheer ay qaadan doonin hadda waxaa la filaya in 1 milyan oo sano ama ka yar lagu arki doono”.

Sida laga soo xigtay shabakadda Google, Ebinger waxaa ay qortay maqaallo ka badan 16,000 kuwaasoo lagu daabacay joornaallada sayniska waana khabiiradda tixraaca iyo gundhigga u ah maaddada jiyoolajiga iyo deegaanka adduunka.

Sanadka 2023, waxaa la daabcaday 17 qoraal, kuwaas oo intooda badan ku saabsan kanaalka cusub ee badda ah ee ka dillaaci doona gobolka Canfarta, ee ku yaal xudduudaha saddex oo ah mid aan ka fogayn Soomaaliya.

Xeel dheeryaasha cilmiga juquraafiga ayaa sheegay in badda cusub ay si gaar ah loogu arki doono dalalka Bariga Afrika, waxaana laga sameeyay cilmi baaris kala duwan.

Daraasadda la sameeyay ayaa waxa lagu lafo-guray falkii magma-ga oo ahaa dhul-beereedka Itoobiya ku yaal halkaas oo ah meel ay folkaano ka dhacaday taas oo socotay muddo 45 milyan oo sannadood ah.

Waxa kale oo ay tilmaamtay cilmi barista in“magma-ga ay tahay halka ugu badan ee badda cusub kasoo bixi doonto.

Post a Comment

0 Comments