Maxaa ka jira in berri uu Internetka dunida ka go’i doono?
cabsida laga qabo in internetka uu go'oXIGASHADA SAWIRKA,REUTER
Taariikhdu markii ay ahayd 26-kii Juun, waxaa barta Facebook la soo dhigay muuqaal la soo raaciyey qoraal dhahaya “Tani waxaa micnaheedu yahay in aan arki doonno internetka oo go’a”.
Waxaa kaloo ka muuqday nin dhahaya “Qoyskiiyow, Waxaan rajaynayaa inaad diyaar tihiin, sababtoo ah ma jiro khadka internetka oo dhakhsiyo u soo noqon doona”.
Fiidiyowga waxaa kaloo qaybihiisa dambe ka muuqanaya sawirrada aaladda hawada sawirrada ka soo qaadda ee Parker Solar Probe oo ninka gadaashiisa ka muuqda. “Tani waa aalladda ay u direen inay joojiso “ ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Wargaysyada qaarkood, sida USA Today, waxay sheegayaan in arrintaas ay been tahay. “Parker Solar Probe waxaa loo diray inu qoarraxda daraasad ku sameeyo, ee nagama joojinayo internetka inuu go’o” ayuu qoray wargaysku.
Inkastoo duufaannada qorraxda ka yimaada ay aragti ahaan khalkhal gelin karaan isgaarsiinta, misna hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA , marnaba hawsha aaladdaas lama aysan xiriirin ka hortagga internetka oo go’a.
0 Comments