LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Ninkay ayaan dilay qiso muran badan


 safmarka ee Covid19.


Dhibaatadani ma ahan mid ku kooban dalka Ingiriiska, iyadoo sidoo kale dhibaatooyin ay ka jiraan Israa'iil. Xadgudubyada ka dhex dhaca lamaanaha is qaba ee Israa'iil, ayaa iyana si weyn kor ugu kacey.


Waxaa jirta olole ka dhan dhibaatooyinkan, kaasoo laga bilaabay Israa'iil, iyadoo fursad lagu siinayey dadka ay haleeshay dhibaatadan, oo aan waligood codkooda la maqlin.


Matthew Kershaw, oo ah ku xigeenka shirkadda teknolojiyadda ee D-ID, ayaa sheegay iney tababareen kumanaan qof, kuwaasoo la barey sida loo kala saaro muuqaalada saxda iyo kuwa macmalka, si ay dhibaatooyinka u baahiyaan.


Dilka Michal Sela oo ka dhacey Israa'iil, ayaa keenay anfariir weyn, kaasoo dhacey sanadki 2019-ka, taasoo ninkeeda uu ku hor diley gabadheeda, isagoo isticmaalaya

Dhibaatada lasoo daristay gabadhani ma ahan mid iyada oo kaliya ku kooban. Sidoo kale, halistan waxey si joogta ah uga dhex dhacdaa aqalada iyo kuwa is qaba.


Waxay BBC-da la hadashey gabadh la dhalatey haweeneydan ninkeeda uu ku diley Israa'iil, si ay baraarujin ugu sameyso dadka kale, oo aaney ugu dhicin wixii ku dhacey walaasheed.


Waxay carabka ku adkeysay isticmaalka teknolojiyadda, si loo badbaadiyo mustaqbalka dhibanayaasha ay halisi soo food saarto.


Lili Ben Ami, oo hormuud ka ah hey'adda Michal Sela, ayaa aad uga qooqameysay sababta aaney walaasheed ugu sheegin dhibaatada heysata, taasoo markii danbe galaafatey nolosheeda.


Lili Ben, ayaa dhimashada walaasheed kadib yagleesay hey'addani kolkii danbe, iyadoo wacad ku martey iney caawineyso dhammaan xubnaha ay kasoo gaarto dhibaato aqalladooda.

Post a Comment

0 Comments