Sida fudud ee ay haweeneydan ku noqotay gabadha ugu taajirsan dumarka adduunka
FaransiiskaXIGASHADA SAWIRKA,AFP
31 Disembar 2023
Haweeneyda dhaxalka u heshay shirkadda L'Oréal Françoise Bettencourt Meyers ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee yeelata hanti gaaraysa $100bn (£78.5bn; €90.1bn) oo dhaxal ah, sida laga soo xigtay warbixinta dadka ugu taajirsan adduunka.
Shirkaddan iibisa waxyaabaha la isku qurxiyo ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa waxaa lahaa awowgeed muddo tobnaan sano ah, waxayna ka mid ahayd kuwa ugu fiican ee suuqa ku jira.
L'Oréal ayaa Khamiistii lasoo dhaafay uu dakhligeedu aad sare ugu kacay ka dib qiimeyn lagu soo bandhigay magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.
Shirkaddan ayaase dakhligeedu uu hoos u dhacay markii uu socday xanuunka safmarka ah ee coronavirus, markaas oo dadka ay xayiraadda saarneyd aysan aad u isticmaali jirin waxyaabaha la isku qurxiyo ee loo yaqaanno makeup.
XAYEYSIIN
Lacagta ay leedahay Ms Bettencourt Meyers, oo 70 jir ah, ayaa gaartay $100bn sida lagu xusay jaantuska Bloomberg Billionaires Index, waxayna taas ka dhigeysaa qofka 12aad ee ugu taajirsan adduunka.
Haweeneydan ayaan weli gaari karin dhiggeeda kasoo jeeda dalka Faransiiska Bernard Arnault, oo liiska uga jira booska labaad waxayna hantidiisu gaareysaa $179bn. Mr Arnault waa aasaasaha LVMH, oo ah shirkadda ugu weyn adduunka ee waxyaabaha qaaliga ah iibisa, waxayna leedahay shirkadaha waaweyn ee Fendi iyo Louis Vuitton.
L'Oréal kama aysan jawaabin codsiga BBC ay u dirtay ee ah inay arrintan ka hadasho.
Ms Bettencourt Meyers waa guddoomiye ku xigeenka shirkadda. Iyada iyo qoyskeeda waa kuwa saamiga ugu weyn ku leh L'Oréal qiyaastii saami dhan 35%.
Waxay noqotay qofta dhaxalka u leh L'Oréal ka dib markii hooyadeed, Liliane Bettencourt, ay geeriyootay sanadkii 2017
0 Comments