Hohnsbehn waxay kuu soo jeedinaysaa inaad xitaa ka fikirto inaad u beddesho hawlo taxane ah - sida inaad laba saacadood u hurto raadinta macluumaad cusub, tusaale ahaan, ka hor inta aadan waqti go'an ku bixin ka-tashiga arrinka.
Haddii aad weli dareemayso hawlgabnimo, waxaa laga yaabaa inaad dhiirigelin ka hesho daraasad uu sameeyay Steven Levitt, oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan Jaamacadda Chicago, kaas oo baadhay farxadda guud ee dadka ka dib markii ay sameeyeen isbeddello muhiim ah oo nololeed.
Levitt, oo ka mid ah qoraayaasha buuga 'Freakonomics', ayaa sameeyay shabakad ay dadku ku sifeeyaan dhibaatooyin kala duwan oo ay la kulmeen noloshooda - laga bilaabo nooca cilaanka ee ay saaran lahaayeen ilaa iyo u guurista guri cusub, ku noqoshada waxbarashada ama shaqada ay ka tageen. Ka-qaybgalayaasha ayaa markaa la waydiistay inay tuuraan shil qadaadiic ah, taas oo natiijadeedu ay u sheegayso in ay isbeddel samaynayaan iyo in kale.
Dabagalka ka qaybgalayaasha bilaha soo socda, Levitt waxa uu ogaaday in dad badan ay ku dhiiradeen; haddii shilinku uu sheego inay tallaabo qaadaan, waxay u badan tahay inay isbeddal ka sameeyaan noloshoodo. Waxayna sheegeen inay aad uga farxad badan yihiin sidii hore.
Waxaan qiyaasi karnaa, daraasadda ka hor, inta badan ka qaybgalayaashan waxay horeba si taxadar leh uga fikirayeen xaaladda meesha taal, laakiin welwelka ay ka qabaan doorasho khaldan ayaa ka hor istaagtay inay qaataan go'aan. Shilinka inaad tuurto oo aad bakhtiyaa nasiib 50% ah aad go'aan ku gaadho waxay ka wanaagsan tahay in aadan go'aanba gaarin ama aad cabsato xitaa markaad go'aanka gaadho ka dib.
Qasadka daraasaddu, haddaba, maaha in aan go'aannada oo dhan ku qaadanno shilin la duuray. Waa in jabinta labalayntaada iyo shakigaagu ay kaala tagi doonto farxad ka badan inta aad malaynayso.
0 Comments