koonfureed ee boqortooyadii Nabataean-ka, sida uu sheegay Rohmer.
"Waxaa lagu tilmaami karaa inay ahayd caasimaddii koonfureed ee boqortooyada Nabataean, halka caasimaddooda ugu weynna ay ahayd Petra oo hadda loo yaqaanno Urdun," ayuu yidhi.
"Halkan waxa ku yaalla qabuuro aad u badan oo lagu sameeyay dhagaxyo la qoday. Qabuurahan waxay la mid yihiin kuwa ku yaalla Petra. Dadka Nabataean-ka waxay isku xidhiidhinayeen Gacanka Carbeed iyo Dunida ku teedsan badda Mediterranean-ka."
Wuxuu sheegay in boqortooyadaas ay wadashaqeyn fiican la lahaayeen maamulladii Roomaanka, Giriigga, Faarisiinta iyo Masaarida.
Tuulo qadiimi ah oo la degenyahay 5 qarni
"Qalfoof ay saynisyahannadu sheegeen inuu aadamuhu ka soo farcamay oo la halay"
.
Axmed Alimam, oo ah nin ka sheekeeya taariikhda deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in Hegra ay ahayd meel xuddun u ah isu socodka qaar ka mid ah dadkii isaga kala gooshi jiray gobolka.
"Qeybta jirta dhinaca waqooyiga galbeed ee gacanka waxay marin muhiim ah u ahayd safarreydii mari jirtay halkan. Dadkii ka socday Roomaaniyiinta, Giriigga, Cumaan, Yemen iyo cid walba oo halkan si nabad ah ku mari jirtay." Ayuu yidhi.
'Meel habaaran'
Muddo aad u dheer ayey dadku aaminsanaayeen in Hegra ay tahay meel habaaran.
Sida laga soo xigtay sheekooyinka taariikhiga ah, dadka halkaas dagganaa waxaa si gaar ah ugu dhici jiray dhul gariirro iyo biriqda roobka ama jacda, sababtoo ah waxay caabudi jireen asnaam. Markii ay boqortooyadii Roomaanka qabsatay halkaas, Hegra waxay noqotay magaalo ka tirsan xukunkii Roma.
Wax badan lagama oga waqtigii intaas ka dambeeyay, marka laga reebo in dadkii Nabataean-ka ay sii dabar go'een. Badda Cas ayaa qaadatay inta badan dhulkaas, wuxuuna noqday marin ganacsi oo muhiim u ah dunida. Kaddib Roomaaniyiintii waxay ka door bideen inay magaalooyin kale dhistaan.
Maanta, Hegra waa goob taariikhi ah oo ay maamusho hay'adda Unesco, waxaana loo tagi karaa dalxiis.
0 Comments