Beer lagu nasto oo ku taalla galbeedka dalka Faransiiska ayaa la geeyay Tukeyaal loo taba baray in ay aruuriyaan qashinka yar yar ee ay dadka ku tuuraan dhulka.
Waxaa jirta maahmaah caan ah oo Soomaaliyeed oo ku saabsan shibmbirka tukaha taasoo oraneysa "tukaha nasiib uu caano ku arko wuu leeyahay balse nasiib uu ku calfado ma laha".
Marki laga soo tago maahmaahdaas iyo fikirka Soomaalida ee ku saabsan Tukaha, haddana Dalka Faransiiska Tukaha ku nool waxa uu gaaray heer la dhihi karo 'waxa uu yeeshay nasiib uu ku shaqeysto, nadaafaddana uu gacan uga geysto'.
Warbaahinta caalamka oo ay ka mid tahay BBC-da ayaa si weyn u hadal heysa sheeko ku saabsan in dalka France ay ka howl galayaan tukeyaal loo taba baray in ay shaqo muhiim ah qabtaan.
Masuuliyiinta Beer lagu nasto oo ku taalla galbeedka dalka Faransiiska ayaa ku guuleystay inay tababaraan tukeyaal caqli badan oo loo shaqaaleysiiyay in ay ka shaqeeyaan nadaafadda beertaas.
Shimbirahaan Tukeyaasha ah ayaa dhulka beertaas oo lagu magacaabo Puy du Fou theme park ka qaadi doona haashka sigaarka laga dhammeysto iyo waxyaabaha kale
Qashinkaas ayaa marka ay qaadaan waxa ay ku ridayaan sanduuqyo loogu tala galay oo loo sii diyaariyay.
Marka ay shaqada nadaafadda ah dhameeyaan ayey sanduuqyo kale oo isla goobtaas yaalla ka cunayaan raashinka shimbiraha si ay abaal marin ahaan ugu qaataan shaqada wanaagsan ee ay sameeyeen.
Tirada tukeyaasha loo carbiyay in ay nadaafadda beertaas ka shaqeeyaan ayaa ah lix, waxaana qaar ka mid ah ay sii billaabeen howsha halka kuwa kalena ay ku biiri doonaan maalinta isniinta ah, sida laga soo xigtay masuuliyiinta beertaasi lagu nasto.
Nicolas de Villiers, oo ah madaxa maamulka beerta ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ujeeddadoodu aysan ahayn nadaafad kaliya maadaama ay dadka soo booqda goobtaas ku dadaalaan qudhooda in aysan qashin daadinin.
Waxa uu sheegay in ay sidoo kale arrintaan uga gol leeyihiin sidii ay xayawaanka oo qeyb ka ah deegaanka laftooda noo bari lahaayeen ilaalinta deegaanka.
Waxa uu Mr Villers intaas ku daray in ay adeegsanayaan nooc ka mid ah tukaha oo lagu magacaabo Rooks, kaasoo uu sheegay in uu aad u caqli badan yahay, uuna jecel yahay la xiriirka iyo la dhaqanka bani'aadamka.
Ma aha markii ugu horreysay ee shimbiraha ay muujiyaan garashadooda caqliga ama in ay shaqooyin qabtaan.
Dalka Australia ayaa horay loogu taba baray shimbiro yar yar oo u eg nooca ay Soomaalida u taqaanno Baal- fallaarta balse midabbo leh, waxaana ay shimbirahaasi sidoo kale ka shaqeyn jireen aruurinta qashinka fudud.
Horraantii sannadkaan ayay seynisyahanno abuureen qalab lagu taba barayo shimbiraha si ay uga qeyb qaataan xallinta dhibaatooyinka.
0 Comments