LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wax ka ogow goobaha ugu halista badan adduunka

Haddii aadan hore u aqoon dhammaan goobahan halista ah ee adduunka dacalladiisa ku yaalla, isla markaana ay kuu qorsheysan tahay inaad midkood booqato, waxaad u baahan tahay inaad beddesho qorshahaaga, maaddaama tobankan meelood ee soo socda ay yihiin kuwa ugu halista badan dunida.

Waddada Dhimashada
Waddada North Yungas waxaa "Waddada Dhimashada" loogu bixiyay sababo jira awgood.

Inaad waddadan gaari ku waddo waa halis, sababtoo ah waxaad la kulmeysaa dhul go'yo, daadad iyo dhagaxaan soo daadadanaya.

Sanadkii 1994, ilaa 300 oo darawallo ah ayaa sanad walba ku dhiman jiray, taas oo xaqiijineysa naaneysta waddadan kuna dareysa liiska meelaha ugu halista badan dunida ee la booqdo.

Jasiiradda Masaska
Waxaa jirta jasiirad ilaa 25 meyl u jirta xeebta Brazil halkaas oo dadka dalkaasi ku nool aysan ku dhiirran karin inay booqdaan. Waxaa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in la helay meydka kalluumeyste doontiisa saaran oo dul sabbeyneysa badda.

Xaddi sare oo maaddada Natron (sodium carbonate decahydrate) ah ayaa biyaha haradan ka dhigaya kuwo jirka bani'aadamka u daran.

Xaafadda Oymyakon - Cimiladeeda ayaa aad u xun
Oymyakon waa xaafad yar oo ka tirsan degmada Oymyakonsky ee dalka Ruushka.

Xaafaddan waxaalagu tilmaamaa mid ka mid ah meelaha ugu khatarsna ee lagu noolaado sababo la xiriira cimiladeeda oo aad u xun.

Heerkulka aadka u daran ayaan suurtogal ka dhigeyn in goobtan lagu noolaado. Cimilada ayaa heerkulkeedu wyxyy gaaraa ilaa -40 degrees Celsius (-90 degrees Fahrenheit).

Dooxada Dhimashada
Dooxada Dhimashada waa saxare ku yaalla xadka gobollada California-Nevada ee dalka Mareykanka waana meel aad u kulul. Waa mid ka mid ah meelaha ugu kulul caalamka.








Post a Comment

0 Comments